Maxay qabatay Towraddu, Maxaa u dhamaaday, Maxaa u dhowodhow, maxaa u dhiman dowladda?
Erayadaas kore waxaa ay intii joogtey ku xasuustaan dabaal deggii loo sameyn jiray kacaankii 21 oktoober oo radio muqdishu si aan kala go, laheyn looga baahin jirey.
Shalay oo taariiqdu aheyd 29 ka janaayo waxaa ay ku beegneyd doorashadii sh shariif sh Axmed Djibouti madaxweynaha loogu soo doortay janaayo 2009. waxaana uu xaflada gurigiisa madaxtooyada lagu qabtay kashaeegay in ay dowladdiisu guulo waaweyn gaartay, tan ugu horreysa guulahaas ayuu sheegay inay tahay in ay ka badbaadeen doonistii cadowga ee aheyd in la rido iyo in sanadkaas aysan asaga raisul wasaaruhu is khilaafin
isla intii ay xafladdaasi socotay waxaa iriida hore ee halkii ay xafladdu ka socotay ku soo dhacay madaaafiic diishey qaar k mid ah ilaaladiisa reer Ugandha. madaafiicdaas oo ay soo tuureen kooxaha Dowladda shariifka mucaaradsan oo madaxtooyada u jira wax ka yar nus km, weerar ay soo qaadeen habeenkii hore dartiis ay dowladda shariifka iyo ciidamada ugandha madaafiic aan loo aabbo dayin la dhaceen magaalada ayna dileen dad badan oo rayid ah, caruur iyo haween uur lehna u badan.
shariif waxaa uu ku tilmaamay guul weyn in dowladdiisu ay sanad jirtay, wuxuuse hilmaamay in sababtii isaga loo soo doortay ay aheed in madaafiicda uu dadka shacabka ah hadda la dhacayo oo xilligaas ay dad kale ridayeen la joojiyo. dadka qaxayna uu guryaha ku soo celiyo.iskoolada iyo isbitaalada iyo waddooyinkana la furo. intaasna midna wax guul ah lagama gaarin waxaa uu 24 saac dhex fadhiyaa xarunta madaxtooyada, mana lahan sida muuqata karti hal abuur oo uu mushkiladda wadanka taalla ku furdaamiyo, waxaana intaas ka sii daran ma jirto kati uu tallooyinka loo soo jeediyo kuwooda wanaagsan kaga xusho, keliya waxaa uu isku maaweeliyaa in wax waliba ay hagaagi doonaan.
waa dhab oo cidina ma dafirsana in ay taallo mushkilad weyn oo aan qof keliyihi waxba ka qaban karin laakiin taasi Shariif marmarsiinyo uma noqoto waayo waa uu ogaa markii uu xukunka doonanayey iney xaalad adag sugayso. waxaase muuqata inuu taa halmaamay oo kursiga ku inbihaaray moodeyna in wax waliba yihiin heer sare.
furasadaha iyo caqabadaha horyaalla sh shariif waxaa muuqata inuusan miisaan iyo isbarbardhig ku sameyn karin. fursaha waaweyn ee dowladda shariif heysato waxaa ka mid ah ineysan dadweynuhu colaad u qabin, iyo in mucaaradka karaahiyo badan loo qabo.
caqabadaha horyaalla waxaa ka mid ah dhaqaalo oo aan jirin iyo ciidamada oo aan tayo leheyn, masuuliyiinta dowladda haba ugu horreeyo raisul wasaaruhu iyo inta badan wasiirada oo aan karti laheyn, haya'daha dhaqaalaha soo saara sida dekedda iyo airporka oo musumaasuq daashadey
iyo kuwo kale oo badan. meeshii la rabey inuu saraakiil aqoon iyo khibrad leh u xusho dhismaha ciidanka, maamulyaqaan daacad ahna u xil saaro hagaajinta ilaha dhaqaalaha waxaa ay ku qaadatay sanad inuu ciidanka xoogga talie cusub u magacaabo, hhalka hayadaha maaliyaddana ay weli joogaan xooxo qowleysata ah oo uu meesha ugu yimid.
Canab C/laahi Maxamed. Muqdisho Somaliya
Maxay Qabatay Towraddu?
Jan 30, 2010 Sirdoon NetWorkOur E-mail: sirdoon@gmail.com




