Maxaa Loogu Baahan Maansooyinka?
A. M. Yusuf | wayeel@opermail.com
"Wixii qooma aadmiga
Ee qabkiisa dhaawaca
Ayaa qeexi oo dhili
Oo sarbeeb ku kala qali"
Bashir Goth: Qudbigii Suugaanta
MA OG TAHAY BISHII JANNAAYO abwaan lagu anqariyay af Soomaali, abwaan yaraantiisii na lagu barbaariyay dhaqan Soomaaliyeed, weynaantiisii na noolaan jiray nolol suugaaneed; sida misana suugaan baroordiiqeed ay uga dabo tagtay isla arooridii ay ku tiil xabaashii lagu soo aasay. Way! Allow, Soomaaligow, ogaan lahaydaa waxa aan uga jeedo ereyga aroori. Arrimoha aan dooni lahaa in aan halkaan akhristeha ugu soo bandhigo walow ay ka fog yihiin baroordiiq; ogow se wax ba ayaa jira igu dirqiyayo, haddii kale igu ba hodayo in aan Xasan Sheekh Muumin (1931-2008) soo carrabbaabo.
Weli allaan si aad ah u gocdaa cod ilmoha xasilin ogaa, hees maanta ba weli carruurta Soomaaliyeed loo qaado, sida Eeddo Culuso ay ugu luuqeyn jirtay:
Hoo waa yaa Hoo waa
Habartaa ma joogto
Korya koonfur aadday
K abaheedii illatay
Kabaxkabax u roortay
Dammeer qaaq leh erisay
Sii socotaana moogi
Soo socotaa na moogi
Hurdooy Hurdooy kaalay
Indhaha Nuunnoow shab ku dheh
Shab ku dheh shalalax ku dheh…
Yaa og inta aan reerkayagii ka sii socon doonno? Yaa og inta aan reerkayagii ku soo socon doonno? Laakiin se, heesta kore kolley waxa ay ubadkayaga u hurdisiin si ay nolosha dib ugu soo baraarugaan. Ma hubo maansoda baroordiiqeed sida ay u xasilin kareyso rubad go’day? Waa se mid wax inaga barayso ilbiriqsiyo ka soo mid ahaan jiray mooddooyinkii iyo dareenkii, baxaalligii qarannimo, hankii Soomaalinnimo, himilooyinkii indheergaradnimo, halgankii suugaaneed, iyo yididdiilooyinkii Abwaankii tegay? Si kale haddii aan u idhaahdo, ma laga yaabaa in baroordiiq oo idil ay ku saabsan tahay uun "rajooyin hungoobay"? Ma garanaysaa waxa aan kaa wareysanayo? Billaa oo ay geeridu ina kedisaa tiiyoo Geedkeennii Quuddarreynta na, iska daa’ miro’e, wax la yidhaahdo man ama ubax ba aan uu weli midkoodna dhalin. Dareenkan silloon oo kale ayaan weligay u soo lahaa geerida ku timaad
qof kasto oo aan jeclaan jiray. Geerida abwaan Xasan na kama reebbana. Marka aan si kale u eego ba, murugadeydu ba waxa ay ku saabsanaan wedka nolosha nagu qabsan karayo asii aan la iskana qaban kareynin. In kasto oo aan in badan u baroorto dadkaygii uu wedku ina kala qaaday, run ahaan, ilmoda iga daadanayso waxa ay waraabkiisii noqon uun geedkaas uurkayga ku dhex yaal; duul iil ka hoos la jiifiyay na, mindhaa, dib dambe uma soo kiciso. Waa se nadiga lala haleeli senge uu ruuggu caddaaday oo kale. Sow faraska ba looma karbaasho si uu u tiigsado dhul dheer? Haddaba, maansoda baroordiiqeed waxa ay kugu kicinaysaa halgaad xanuun badan; si aad u kordhiso hardaftii iyo raacdadii aad nolosha ugu sii jiri lahayd uun.
"Ka gaar inta aad weli ka gaari kareysid," ayay na kugu canaanan. Sidaas awgeed, maansadu qalbigeenna ayay ku oollaan inta innagu aan weli u kala dhexeyn nolol iyo geeri –- if iyo iil. Eeg sida maansadu ay abwaanka u soo wehelinaysay laga soo billabo Dhabtii Hooyo lagu na geeyo Dhuuxii Boorama.
Intii uu weli adduunka ku noolaa, abwaanku waxa uu maqli jiray hees-carruureedyo, hees-hawleedyo, hees-walwaaleedyo… illaayo gadaalo na, maleha, waa uu maqli jiray maansooyin qalaad, sida:
"waa shay macaane cuna mallaayga…"
ama
"goormaan ku raaxeysaheennaa arimaheennna…”
ama
"bacdaa dhuuqso yaan lagaa boojeyn…",
iyo
maansooyin kale oo iyaga la bah ah.
Iska jir. Ha moodin in aan liidayo maansodan nooceeda ah ee aan aan anigu ula baxay dan-maal. Maanso dhalanteed ah. Maanso loo halabuuray, kuna saleysan danaysi uun. Maxaa yeelay waa maanso loogu dawgalay farriimo degdeg ah in ay maankayaga ku dhigto. Maansoda dhabta ah se, si ka duwan midda dhalanteed, waa marka hore, waa mid haditaankeedu (fahamkeedu) uu maanka kugu daalayo; waayo wax ay kaaga warceliso iska daaye waxa ay kuula iman, kuguna soo balleyn: weydiimo adigii ba kaa sii da’weyn. Aadkeeda, ma u fiirsatay gedda abwaan Xasan Sheekh Muumin, maansodiisa la yiraahdo “Aqligii Wanaagsan,” sida habdhaceeda uu ugu tilmaamayo duurjoogta, isu na barbardhigayo tankii iyo tayodii ugaadha; iyo sida isla haddana Soomaalidu ay waxyaabohaas qaafil uga wada yihiin, una u wada moog yihiin? Maxaa ku wacdaro ah, adduunka! Hayeeshee rogaalceliska, kucelceliska, hooriska heesta ee layaabka leh, "Aqligii wanaagsan itaal inuu ka roon yahay bal eegoo u fiirsadaay," adiga ayaan ba kuu deyn lahaa hadba midkood uun, midkoodii uu kaaga dhiganaan lahaa su’aal ama jawaab -- may, waxa aan uga jeedaa su'aalo ama jawaabo.
Haddee kala garo. Goorta maansoda dhalanteed la adeegsanayo, ku-soo-celcelinta isla halkii hooris waxa ay akhristeha awoodsiinaysaa in uu durba aqoonsado tixo aan lagu larin ama labin: curis diimmoon. Si taa ka duwan, haddaba, maansoda dhabta ah, maansadoda farshaxaneed, ku-soo-celcelinta isla halkii hooris waxa loo adeegsadaa si loo fogeeyo feejignaantii dhegeysteha/akhristeha, mid doolaalo ku geyn dhul qurbe ah -- si loo raajiyo ama ba daahiyo fahamkii. Maansoda farshaxaneed waxa ay tooyan (doonaysaa) hawraarro gaw ah si ku-soo-celcelinta isla halkii hooris aan uu u yeelan isla ujeeddodiisii hore oo kale; waayo ma habboon in loo qaato, misana, in abwaanku waayay tixo kale ee uu halkoodii ku buuxiyo: Ogow! Hoorisyoda farshaxaneed waxa ku kaydsan su'aalohii uu abwaanku dhafoorkayaga ku qodqodi lahaa.
Aniga oo xuskii Abwaan Xasan Sheekh Muumin intaa ku soo koobi doono, sow gunaanad wanaagsan ma aha in aan ku soo afjaro, hees isaga ku xidhiidhin yahaaburkii kale ee fanka Soomaaliyeed -- Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay "Qarshe"; -- teeryo inta uu weli fir ka harsanaan doono qolo Soomaali ah, weligeed ba, hees Soomaalida fari ama ba bari doonto:
Aqoon la'aani waa iftiin la'aane
Waa aqal iyo ileys la'aane
Ogaada ogaada dugsiyada ogaada
Oo aada oo aada wlaalayaal oo aada
Waa oomanaa iyo abaare
Omos iyo oon biyo la'aane
Ogaada ogaada dugsiyada ogaada
Oo aada oo aada walaalayaal oo aada
A. M. Yusuf | wayeel@opermail.com
Maxaa Loogu Baahan Maansooyinka?
Feb 14, 2008 Sirdoon NetWorkOur E-mail: sirdoon@gmail.com




