GUMEYSI NIMAAN AQOON BAA GACAL MOODA

Jul 16, 2007
Qore: Khaalid Maxamed, MA. Cilmiga Siyaasadda
null(Gunnimo Geeri Baa Dhaanta)
Hor Dhac:Waa dhab in ay Soomaaliya tahay dal gumeysi ku jira. Waxaase dhici karta in dad badani aanay dareensaneyn in dalka gumeysi ku jiro iyagoo runtii aan fahamsaneyn macnaha gumeysiga. Gumeysi – macnahiisu waa marka uu waddan ku duulo waddan kale ama ummad kale iyadoo duulaanku noqon karo mid xoog ah ama xeelad ah.
Ujeedooyinka habka qabsashada dhulal kale ayey gumeystayaasha ku kala gedisanyihiin. Matalan, Ingiriiska dalka duulaan kuma iman laakin wuxuu ku yimid oggolaashaha qaar ka mid ah beelaha gobollada waqooyi.

Ilaa shan beelood ayuu mucaahadooyin la saxiixday isagoo leh ‘waxaan idinka difaacayaa quwadaha kale ee reer Yurub’. Markii dambe, Ingiriiska iska daa in uu dhulka Soomaaliyeed difaaco e, wuxuu isagu bixiyey dhulka Soomaaliyed ee ay hadda Xabashidu gumeysato. Sidoo kale, Talyaaniga dhulka qaar wuxuu ku yimid oggolaashaha beelaha Soomaaliyeed qaarkood, gaar ahaan gobollada Bari, halka gobollada koofureed uu xoog ku qabsaday. Talyaaniga ayaa la ogyahay in uu ummadda Soomaaliyeed six un ula dhaqmi jiray. Waxaad xusuusantihiin Soomaalidii Keli Asaayle lagu gumaaday iyo Koroojo Dal Suud oo Soomaalida oo dhulka iska leh laga xarimay

Waxyaabaha laga bartay gumeysiga

Soomaalidu waxay tiraahdaa ‘dhuub dhuub u gal, dhago ballaar uga bax’. Gumeystuhu sidiisaba muxuu dhul aanu lahayn ugu duulaa? wuxuu doonayaa in uu kheyraadka ummadda uu gumeysto boobo isagoo weliba addoonsanaya dadka dhulkaasi u dhashay. Waxay kaloo uu curyaamiyaa waxsoosaarka ummaddaasi si ay badeecadahooda suuq cusub ugu noqdaan. Waxaa intaa dheer, isagoo marka dambe ku soo roga casuur uu ciidamadiisa ku biilo.

Laakin haddii uu gumeystuhu doonayo in uu dhulkaaga qaato, adigana ku addoonsado, maxaa kula gudboon?? Waxaan ognahay in Xabashidu aanay bad lahayn una baahantahay bad ay wax uga soo dagaan. Soomaaliya waxay leedahay bad ballaaran oo Eebbe ku manneystay. Xabashidu waxay dareentay in aysan baddaasi dad difaacda lahayn oo ay boobi karto.

Dagaalka ay Soomaaliya ku soo qaadayna ma aha mid ay Soomaaliya dowlad la dhiseyso, balse waa mid ay dooneyso in Soomaaliya iyo xeebaheedaba ay xoog ku qaadato. In ay riyadaasi u xaqiiqowdo waxaa ka xiga oo keliya in ay geesiyadii Soomaaliyed god ku soo hubsato. Inta wiil Soomaaliyed noolyahay, Xabashi Soomaaliya waa ka xaaraan.

Runtii aqoon la’aanta xeeladaha gumeystayaasha ayaa ugu wacan in ay ummadi oggolaato in gumeyste dhulkeeda soo qalo. Siyaabaha uu gumeystuhu dhulalka kale ku galo waxaa ka mid ah: waxaan idinka difaacayaa waddan kale ama qabiil kale ama beel kale ama waxaan idinka beddelayaa suldaankiina, boqorkiina, madaxweynahiina iwm.

Goormuu gumeystuhu noqday mid ka naxa ummad kale? Goormuu gumeystuhua ka jecelaaday suldaanka dadkiisa? Goorma…Goormaaa… Waa ma dhacdo in gumeyste ummadda uu gumeysto ixtiraamo, wax u qabto, waxbaro, dhalkooda u dhiso iskaba daa in uu dowlad iyo nadaam u sameeyo. Ingiriis iyo Talyaani Soomaaliya meel cidlo ah ayey uga tageen. Ka dib 70 sano oo gumeysi qaawan ah, waxay labaduba ka guureen habeen madow iyagoo aan dugsiyo sare, jaamacado, macaahid, warshado iyo khibrad siyaasadeed midna uga tegin.

Waxaad akhrisaan Aayaddaha 32-34 ee Suuradda Annamal:
Waa kuwan aayadaha oo Af Somali ku tarjuman:

32- Waxayna tidhi madaxeey ii ishaara amarkayga ma ihi mid goysa amar
intaad ka joogtaan

33 - Waxayna dhaheen annagu waxaan nahay kuwo xoog badan oo geesinimo badan, amarkase adaa leh ee fiiri waxaad fari

34- Waxay tidhi xaakimyadu hadday magaalo ku galaan (xoog) way fasaadiyaan waxayna ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwo dullaysan saasayna falaan


Aayadahaa kariimka ah waxay tilmaamayaa wixii Ciraaq ka dhacay oo ah in la burburiyey eheladeedii sharafta lahaana la dulleeyey. Waa waxa Soomaaliya ka socda, Afgaanistaan ka dhacayaa horeyna ay u sameeyeen gumeystayaashii reer Yurub. In aanu gumeyste dhimasho mooye nolol wadin aayadaha kariimka ah ayaa sheegaya.

Xaaladda Maanta:

Soomaaliya – dalkeenii hooyo- in uu gumeysi Xabashi ku jiro waa dhab, mana u maleynayo in uu jiro qof moog. Laakin waxaa jira ismoogeysiin badan, is yeel yeel, mas’uuliyad darri, iyo iyadoo doqoni u qaadatay in ay u danleeyihiin Soomaalida qaar. Xabashi Soomaali waa isugu mid hadba kii ay ku adeegan karto ayey soo dhoweysataa, marka ay ka maarantana jidka ayey uga tagtaa…

Ogaada … taariikhda labo jireen isku si.. isla dalkii iyo dadkiisa uma wada qorto. Soomalida waxay tiraahdaa ‘ mar i dage Allaha dago, mar labaad idagase anigaa isdagaye Allaha i dago’. Qaarkeen waxay shalay dhow lahaayeen Xabashi waxay wadataa Ceydiid oo ay taageeri jirtay, markii uu dowladii loo yiqiin Salballaar dhisay waa kuwii ka kala daadiyey iyadoo Sodre shir ku qabatay oo dhistay taxaalufkii SSA. Haddana, shirkii Qaahira markii Cali Mahdi la isku raacay in uu madaxweyne noqdo waa tii ka hor istaagtay oo fashilisay.

Xuseen Ceydiid waa tii madaxa ku waday haddana dhulka ku dhufatay. Cabdi Qaasim iyo dowladdii Carta lagu soo dhisay oo ay Xabashidu markii hore Djibouti kula jirtay waatii markii dambena uga baxday, dhistayna SRRC si loo dumiyo. Taariikhda mar kale isla goobtii ha ku qorina…TFGda hadda jirta, wax weyn oo ay tartay ma jiraan. Runtiina waxa kaliya oo ay ka rabtay waa in ay dalka ku qabsato.

Farqiga u dhaxeeya Cali Mahdi, Caydiid, Cabdi Qaasim iyo kuwa hadda TFG madaxda ka ah (Cabdullahi Yusuf iyo Cali Geedi) waxaa ay tahay, saddexda hore waxay diideen in dalka Xabashi qabsado ama u qabato. Halka kuwa hadda jooga ay yihiin kuwo loo soo carbiyey in ay Soomaaliya Xabashida ku daraan. Waxaan Soomaalida u sheegayaa in Cabdullahi Yusuf iyo Geedi ay OGYIHIIN, QEYBNA KA YIHIIN, mashruuca Xabashida ee qabsashada Soomaaliya.

Waxaase wax lagu qoslo ama lala yaabo ah in mid waliba taageerayaashiisa ugu sheekeeyo ‘ Annaga ayaa dalka naloo qabanayaa’. Waxay ummadda ku maaweeliyaan been aan raad lahayn iyagoo og in aysan Xabashi dalka ka baxayn iyadoo xoog looga saaro mooyee. Waxaase nasiib daro ah in dad badan oo yiraahda waxbaan baranay ama waxaan nahay waxgarad ama aqoonyahanno ay rumeysteen beenta ay Cabdullahi iyo Geedi wax magaratada ku maaweeliyaan.

Waxaa sidoo kale wax laga xumaado ah in ay qaar badan oo kale ballamo been ah sida: safiir baan kaa dhigayaa, qunsul baan kaa dhigayaa, wasiir baan kaa dhigaya, guddoomiye gobol baan kaa dhigayaa ku maaweelinayaan ayna dhulkoodii Xabashi u oggolaadeen. Goormaad wax garataan???? Qiimaha dhulku leeyahay goormaad ogaan doontaan? Qiimaha xoriyaddu leedahay goormaad garan doontaan? Ma marka aad sida reer Falastiin noqotaanbaa????

Waxaase aan wax lala yaabo ahayn in ay Xabashi mar kale Cali Mahdi ku tiraahdo waxbaan kaa dhigaynaa, Cabdullahi Yusuf baan kugu beddeleynaa ee shirka sidii uu ku dhici lahaaa ka shaqeey. Cali Mahdi iyo ku xigeenadiisa iyagu damiir ma leh miyaa? Garasho ma leh miyaa? Xusuus ma leh miyaa? Goormaad waxgarataan??

Shirka iibinta Soomaaliya:

Shirka lagu qasbayo ummadda ee la leeyahay shirka waa shir beeleed ee ma aha shir siyaasadeed, macnahiisu muxuu yahay? Ma waxaa jira beelo Soomaaliyeed oo hadda dagaalsan? Soomaliduse ma ceel, beer ama dhul bey markii horeba ku dagaaleen mise siyaasad? Dagaalka sokeeyana sow ma ahayn mid siyaasadeed? Waxa weli la isku haystana sow siyaasad ma aha? Maxaa keenay in la qabto shir beeleed? Sow ujeedooyinka shir beeleed iyo shir siyaasadeed ma kala duwana?

Maxay tahay ujeedada shir beeleedkan? Ujeedada shir beeleedka waa in meel la isugu keeno taageerayaasha Cabdullahi iyo Geedi ka gadaalna ay saxiixaan qodobada ay Xabashida rabto oo ah IN SOOMAALIYA LAGU DARO XABASHIDA. Si taasi loo meel mariyo waxay ka qeyb galayaasha ansixin doonaan qodobada soo socda: In..

1-Xabashidu dalka sii joogto muddo aan la cayimin oo furan;

2-Dekedaha iyo garoonnada diyaaradaha iyo guud ahaan ilaha dhaqaalaha ay Xabashidu maamusho inta ay dalka joogto;

3-Xabashida ( oo aan bad lahayn) ay badaheena ilaaliso, kana kalluumeysato;

4-Ismaamullo si toos ah uga ammar qaata Xabashida laga dhiso Xamar, Baydhabo iyo Kismaayo. Kuwaasoo la mid noqon doona maamullada ka jira Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed. Ismaamuladan oo yeelan doona magacyada Kilil.

5-Lacagta Xabashida (Birr) ay noqoto midda rasmiga ah;

6-In muddo gaaban ka dibna Baasaaboorka Xabashida la siiyo dhammaan Soomaalida rabta in ay dhoofaan.

7-Iyo ugu dambeyntii in ay ansixiyaan in Soomaaliya ay ka mid noqoto Xabashida.

Haddaba, haddii aad moodeyso in aan ka badbadiyey la imow wax aad igu beenineyso. Muhiimaddu waa in dalkeena uu galay gacan Xabashi loona baahanyahay in laga xoreeyo.

Gunaanad:

Dagaal sokeeye waa caadi, ummadahoo dhami wey soo mareen. Annagana maanta ayuu nala derisyahay. Waxaa fiican in aan u aragno in uu ka mid yahay marxalad ay ummadaha soo koraya soo maraan. Yurub, Aasiya, Laatin Ameerika iyo qeybo badan oo Afirka ka mid ah wey soo mareen. Wax badan oo naga xumaaday wey jiraan, wax badan noo kordhay wey jiraan. Laakin waa in aan loo arag dagaalka sokeeye mid aan quus gaarno oo aan dalkeena ka iibino cadowgeena soo jireenka ah. Naxariista Eebbe lagama quusto, dagaalka sokeeyena wuu dhammaan doonaa.

Waxaan rabaa in dadka shakiga ku jiro ama kuwa Xabashiga ehelka moodaya aan xusuusiyo nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka ay Xabashida gumeysato. Waxaad ogtihiin in magaalooyinka iyo tuulooyinka dhulkaasi aysan biyo gelin lahayn, isbitaallo lahayn, dugsiyo sare ama jaamacado lahayn, koronto lahayn, waddooyin ama jidad lahayn, halka qofka Soomaaliga ah ee dhulkaasi ku nool uu yahay qof aan xuquuq lahayn, la iska xiri karo, la iska dili karo, hantidiisa la dhici, wixii kaloo la rabana lagu sameyn karo. Ma jeclaan lahayd in aad nolol noocaasi ah ku noolaato???

Haddaba, qofka doonaya in nolol noocaasi ah uu ku noolaado oo xoriyaddii iyo qaranimadii aan dooneyn ee ka door biday gumeysi iyo dullinimo, waxaan kugula talin lahaa in aad tagto dhulka Soomaaliyeed ee ay Xabashida gumeysato oo aad soo aragto nolosha dadkaa walaalaha ah ku noolyihiin iyo sida uu gumeysiga Xabashida ula dhaqmo. Haddii aad ku soo qanacdo noloshooda, fadlan ha nagu soo noqon oo hadkaa iska joog, waayo annaga ma dooneyno gunnimo iyo gumeysi toona.

Soomaaliyey, dalkeenii hooyo, wuxuu galay gacan gumeysi. Waana waajib in aan xoreynaa. Qoys qura ama qabiil qura dal ma xoreyn karaan. Maxkamado kaligoodna dal ma xoreyn karaan. Qurba joog keligood dal ma xoreyn karaan. Waxaa loo baahanyahay in aan si wadajir ah halganka dalka lagu xoreynayo uga wada qeyb qaadano. Ninowna dalkaaga cidna marti uga matihid. Cid aad ka fasax qaadaneysaa ma jiro. Laakin, waxaa loo baahanyahay illeyn ‘GACMO WADA JIR BEY WAX KU GOOYAANE’ in aan mideyno awoodeena, maalkeena iyo maskaxdeena si loo helo halgan isu dheellitiran oo awood wax fulineyd leh kaasoo xornimadii iyo qarannimadii ummadda soo celin kara. Waxaa haddaba loo baahanyahay in:

1-Soomaalida gudaha dalka joogta is habeenyaan, deegaan deegaan, waayo dagaal Xamar oo keliya ka socda keligii waxba laguma xoreyn karo.

2-Soomaalida qurbaha ay iyaguna waddan waddan isu habeeyaan ka gadaalna ay billaabaan olole siyaasadeen oo ay caalamka uga gadayaan qadiyadda dalkooda.

3-Maxkamadaha, barlamaanka xorta ah iyo xoogagga kalena dhammaantood ay la yimaadaan istaraatijiyad cad oo dalka lagu xoreyn karo.

4-Waxaa loo baahanyahay in Shirka uu ku dhawaaqay Sheekh Shariif ay ka wada qeyb galaan dhammaan xoogagga aan kor ku soo xusay iyo inta kale ee jecel in ay dalkooda xoreystaan. dhismaha dhaqdhaqaaq xornimo doon ah ay noqoto natiijada shirka kaasoo baxada kaasoo mideyn doona xoogagga Soomaaliyed.

5-Dhaqdhaqaaqu yeesho hoggaan ummadda u cuntami kara, bulshada caalamkana aanay ka dideyn ama ay la shaqeyn karto soona diyaariya barnaamijkii lagu hagi lahaa dhaqdhaqaaqa.

6-Dhaqdhaqaaqa laga furo dhammaan gobollada dalka si halganka loo ballaariyo.

7-Siyaasadda Arrimaha dibedda – gaar ahaan tan ku wajahan Afrika iyo Yurub – xooga la saaro si loo helo saaxiibo qadiyadda nala qaada.

Ballanteenu waa Soomaaliya oo xor, Xamar oo nabad ah iyo Xabashiyoo kala daadata!


Qore: Khaalid Maxamed, MA. Cilmiga Siyaasadda
Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com